318 Views

Hor joogihii u qaabbilsanaa Al-shabaab miinooyinka Gobolka Jubadda hoose oo gacanta lagu soo dhigay.

Hor joogihii  u qaabbilsanaa Al-shabaab miinooyinka Gobolka Jubadda hoose oo gacanta lagu soo dhigay.
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 8, 2022

Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 5-aad guutada-16 ee XDS ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu ciribtirayo argagixisada ka sameeyay deegaanada kala ah Yaaq Bishaar, Buulo-xaaji, Kaam-jirroon iyo Warta Biloow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose.

Intii uu socday howlgalkan ayaa lagu soo qabtay Horjoogihii argagxisada u qaabbilsanaa Miinooyinka, kaas oo lagu magacabo, Xasan Cabdullaahi Abshir,halka magaciisa afgarashaduna uu yahay Abuu Faaruq.

Howlgalka ayaa lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-shabaab, sidoo kale waxay Ciidanku soo saareen Miinooyin ay dhulka ku aaseen nabad-diidka, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad eev kumaandooska Danab, Taliye Carab Dheeg Axmed.

Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS  ayaa Biyo dhaamin u sameeyay Shacabka ku dhaqan deegaannadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post