909 Views

Guddoomiyaha Doorashooyinka Heer Federaal Cirro oo ka hadlay doorashadii Kismaayo

Guddoomiyaha Doorashooyinka Heer Federaal  Cirro oo ka hadlay doorashadii Kismaayo
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay magaalada Kismaayo ee Xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Afarta Sanatar ee maanta ku guuleystey doorashada ayaa kala ah; Ilyaas Badal Gaboose, Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto. Jubbaland ayaa dooran doonta maalmaha soo socda afar xubnood oo kale.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyay doorashadii maanta ka dhacday magalada Kismaayo iyo sababta keentay in maamulada kale aysan wali u diyaar garoobin qabashada doorashada Baarlamanka Aqalka Sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post