1536 Views

Labo Gabdhood oo Soomaali ah oo ku dhintay Mareykanka

Labo Gabdhood oo Soomaali ah oo ku dhintay Mareykanka
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 —Ciidamada Booliska Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waddo Baaritaano ku aadan geeridda Labo Gabdhood oo Soomaali ah oo la sheegay in ay ku dhinteen Shil gaari.

Amaal Maxamed , Anisa Maxamed oo ahaa labo Gabadhood oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay dalka Mareykanka.

Waxaa uu sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Amina Maxamed oo la dhalatay labadda Gabdhood ee geeriyooday.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee goobta uu falku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in Gabadhaha ay geeriyoodeen ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen oo xowli ku socday uu ku dhacay Gaari kale, waxaana sidoo kale jira dad kale oo ay waxyeelo soo gaartay.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay Markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen.

Dhawaan ayay aheyd Markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib  markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment