1170 Views

Ciidamada guutada GORGOR oo Maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyay degaanno hoos yimaada degmada Awdheegle

Ciidamada guutada GORGOR oo Maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyay degaanno hoos yimaada degmada Awdheegle
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 22, 2021

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada GORGOR ayaa Maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyay degaanno hoos yimaada degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa u jiheystay deegaannada Shaamgare, Mubarak iyo Jowhar yarey halkaasi oo meelo ka mid ah ay ciidanku iska caabin kala kulmeen argagixisada Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay 5 ka tirsan maleeshiyada a argagixisada Al-Shabaab ayaa looga dilay degaanka Shaamgare, halka 7 kale la gaarsiiyay dhaawacyo halis ah sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha Tagtay jiida hore ee Dagaalka.

Taliyaha Guutada GORGOR Coll Dayax Cabdi Cabdulle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay ciidanku kaabiga ku hayaan degaanno kale oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay dadka ku dhibaateeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post