738 Views

Diyaarad Helikopter oo ay Ciiddanka Zimbabwe leeyihiin oo ku burburtay meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Harare.

Diyaarad Helikopter oo ay Ciiddanka Zimbabwe leeyihiin oo  ku burburtay meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Harare.
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Diyaarad Helikopter oo ay Ciiddanka Zimbabwe leeyihiin ayaa ku burburtay meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Harare.
Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa The Agusta Bell AB 412 helicopter waxay ku burburtay Tuullada Arcturas oo 30-KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Harare.
Helikopterkaaasi oo loo adeegsado Tababarka Duullimaadka, waxay ka soo duushay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Manyame Airbase ee Garoonka Harare ee Tababarka Duullimaadka (Manyame airbase by the Harare airport on a training flight).
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Cirka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaasi ku dul dhacday guri, iyadoo ay ku geeriyoodeen 2 Duuliye iyo Farsama-yaqaan la socday Diyaaradda iyo Ilmo yar oo ku sugnaa guriga ay Diyaaradda ku habsatay.
Shilkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay Haweeney iyo gabar yar, kuwaasi oo uu soo gaaray dhaawacyo gubasho ah.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Cirka ee dalka Zimbabwe, Air Marshal Elson Moyo waxa uu ka tacsideeyey Shilkaasi, wuxuuna xusay inay socdaan baaritaano la xiriira waxa sababay burburka Diyaaradda Helikopterka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post