663 Views

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo si buuxda codka kalsoonida u siiyey R/W Xamza

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya  oo si buuxda codka kalsoonida u siiyey R/W Xamza
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Xildhibaanada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Kulanka xildhibaanada ayaa waxaa goobjoog ahaa illaa 220 Mudane, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu guda-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Intaasi kadib ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, waxaana codka kalsoonida siiyey illaa 220 xildhibaan oo ah dhammaan kooramka xildhibaanada xaadiray.

Ma jirin xildhibaan diiday ama kaa aamusay, sida uu shaacioyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan xilka u magacaabay Madaxweynaha 10-aad, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan laga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post