882 Views

diyaarad Milatari oo ku dhacday dalka Filibiin

diyaarad Milatari oo ku dhacday  dalka Filibiin
____________________________________________________________________________

 Axad: July 4, 2021

Ugu yaraan 17 qof ayaa dhimatay 40 kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii diyaarad milatari oo siday ciidamo ay ku dhacday koonfurta Filibiin, sida uu sheegay  wasiirka difaaca Philippine.

92  qof, oo badankood ay yihiin ciidamada, ayaa saarnaa diyaaradda xamuulka qaada ee C-130 Hercules markii uu shilku dhacay xilli ay isku dayeysay inay ku degto jasiiradda Jolo ee gobolka Sulu maanta, xoghayaha difaaca Delfin Lorenzana ayaa oo ka hadlay arinta ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 40 qof oo dhaawac ah la badbaadiyey 17 mayd ahna  la helay.

Mar sii horreysay, General Cirilito Sobejana ayaa saxaafadda u sheegay in ugu yaraan 40 qof laga soo badbaadiyay burburka diyaaradda C-130.

Sobejana. “Waa wax aad looga xumaado. Diyaaradda ayaa seegtay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, waxayna isku dayaysay inay dib u soo ceshato awooddeeda laakiin way ku fashilantay wayna dhacday ayuu yiri ” .

Sobejana ayaa sheegay in diyaaradda ay waday ciidamo ka yimid Cagayan de Oro oo ku taal jasiiradda Mindanao ee koonfurta.

Diyaaradda ayaa isku dayday inay “dib u soo ceshato awoodda laakiin ma aysan sameyn”, ayuu u sheegay warbaahinta maxalliga ah, isagoo ku tilmaamay shilka “mid aad looga xumaado uu yahay”.

Afhayeen u hadlay militariga, Korneel Edgard Arevalo, ayaa sheegay in aysan jirin wax tilmaam ah oo ku saabsan wax weerar ah oo diyaaradda lagu soo qaaday, laakiin baaritaanka shilka uu socdo hada, dadaalladuna ay xoogga saareen badbaadinta iyo daaweynta dadkii diyaaradda saarnaa.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinayay holac iyo qiiq ka baxayay goobta ay diyaarada ku dhacday islamarkaana kooxda gurmadka deg deg ah aysan ku guuleysan iney damiyaan diyaarad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post