885 Views

Biriq 10 carruur ah ku dishay waqooyi-galbeed Uganda

Biriq 10 carruur ah ku dishay waqooyi-galbeed Uganda
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-29-2020
-Biriq ama jac ayaa 10 carruur ah ku dishay magaalada waqooyi-galbeed Uganda ku taalla ee Arua.

Waxaa magaaladaasi ka da`ayay roobab xooggan oo biriq wata.

Roobab xooggan oo shalay da`ay ayaa sababay in carruurtu ay ka tagaan kubbad ay cayaarayeen isla markaana ay maciin bidaan guryo cooshad ka sameysan oo halkaasi u dhowaa.

Guriga ayaa waxaa ku dhacday jac. Sagaal carruur ah oo ay da`doodu u dhaxayso 13 iyo 15, ayaa goobta ku dhintay, halka kan tobnaad uu ku dhintay waddada inta isbitaalka loo sii waday.

Saddex ka badbaadday dhacdadaas ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka.

Waa shilkii ugu ba`naa ee Uganda ka dhaca tan iyo sanadkii 2011.

Sanadkaas, 18 carruur ah ayaa lagu dilay iskuul ku yaalla galbeedka dalkaas. Guud ahaan, 28 qof ayaa toddobaad dhexdiis u dhintay jac u dhacday.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post