723 Views

Khilaaf ka dhashay doorashada gudoomiyaha degmada Laascaanood

Khilaaf ka dhashay doorashada gudoomiyaha degmada Laascaanood
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa sheegay in dib loo dhigay Kalfadhigii golaha deegaanka cusub ee magaalada Laascaanood oo maanta lagu waday in ay doortaan Maayir iyo ku-xigeen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in fadhigaasi qabsoomayo maalinta berri oo Axad ah.

Inta badan xubnaha Golaha deegaanka Laascaamood oo maanta hor tegay xarunta Dawladda Hoose ayaa go’aankaasi sharci-darro ku tilmaamay iyagoo Badhasaabka eedaymo u jeediyay.
9 xubnood oo kamida golaha deegaanka cusub ee Laascaanood oo uu hogaaminaayo murrashaxa maayarka Laascaanood Cabdiraxin Cali Qase oo xisbiga Waddani kasoo baxay ayaa laga hor istaagay  inay galaan xarunta dawlada hoose ee Laascaanood .
Doorashada Guddoomiyeyaasha Magaalooyinka ayaa si weyn uga socoto degmooyinka Somaliland ka dib markii dhawaan doorashada golaha degaanka lasoo gabagabeeyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post