1041 Views

Dalka Uganda oo shaaciyay in qofka dila shimbirta dalkaasi u ah astaanta qaran uu mutaysan doono xabsi da’in.

Dalka Uganda oo shaaciyay in qofka dila shimbirta dalkaasi u ah astaanta qaran uu mutaysan doono xabsi da’in.
____________________________________________________________________________


Sabti: February 19, 2022

Dalka Uganda ayaa shaaciyay in qofka dila shimbirta dalkaasi u ah astaanta qaran uu mutaysan doono xabsi da’in.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ganaax lacageed oo dhan 20 biyan oo lacagta Uganda ah una dhiganta $5.7 milyan oo doolar la saari doono kuwa lagu helo dambigaas.

Shimbirtan ayaa aad looga jecel yahay dalka Uganda waxaana lagu sawiray calanka dalkaas.

Guddoomiyaha Duur-joogta Uganda George Owoyesigire, ayaa sheegay in shimbirtan ay hadda halis ku jirto maadama uu burbur ku yimid deegaankii ay ku noolaayeen.

Waxaa dalka Uganda ku haray ilaa 8,000 oo ah nooca shimbirtan halka sanadkii 1989-dii ay dalkaasi ku noolaayeen ku dhawaad 35,000 , sida ay sheegtay wasaaraddu.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post