984 Views

Mucaaradka Turkiga oo dalbaday in deg deg loo baaro howlaha Ankara ka wado Soomaaliya.

Mucaaradka Turkiga oo dalbaday in deg deg loo baaro howlaha Ankara ka wado Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CPH ayaa dalbadey in Baarlamaanka dalkaas uu baaritaan dhab ah ku sameeyo eedeymo loo jeediyey shirkad kamid ah qandaraasleyda gacansaarka dhow la leh madaxwayne Recep Erdogan.

Codsiga uu xisbiga CPH gudbiyey ayaa ka dambeeyay markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan in SADAT International Defense Consultancy ay maleyshiyaad ku tababarto dalka Suuriya.

Sida lagu sheegay qoraal uu xisbiga u diray baarlamaanka, SADAT ayaa la tuhunsan yahay in ay taageero sahay, qalab iyo tababar ay u fidiso dagaalameyaasha Jabhadda Al-Nusra Front.

Unal Cevikoz, guddoomiye ku xigeenka CPH ee Istanbul oo gudbiyey qoraalka, ayaa tibaaxay in talaabooyinka SADAT ay xadgudub ku leeyihiin shuruucda caalamka iyo kuwa UN.

Cevikoz ayaa intaas ku daray in ay doonayaan in baaritaanka uu qeyb ka noqdo haddii SADAT ay howlo tababar ciidamo ka fuliso wadamadda Soomaaliya, Liibya iyo waddanka Suuriya.

“Dhamaan su’aallaha ku geedaaman howlgalada milatari ee SADAT waa kuwa aan wali laga jawaabin,” ayuu ayuu yiri.

Turkeyga ayaa Muqdisho waxay ka dhistay saldhig weyn oo ciidan kaas oo ay ku tababarto ciidamadda milatariga Soomaaliya gaar ahaan Unuga loo yaqaano Gorgor.

“Xisbiga CHP wuxuu rabaa in dadweynaha lala socodsiiyo arrimaha SADAT iyo in la baaro dhammaan howlaheeda milatari ee caalamiga ah, haddii ay tababaro milatari ku bixisay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Liibiya iyo Soomaaliya, iyo haddii ay dirtay hub sharci darro ah oo jabinaya xukunnada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

SADAT International Defense Consultancy oo 2012 uu aas-aasayy Adnan Tanriverdi, jeneraal howlgab ah iyo lataliyihii Erdogan ee arrimaha milatariga 2016 illaa 2018-kii, ayaa bixisa talooyin dhanka istaariijiyada iyo taageerada xoojinta ciidanka.

Shirkadan waxaa u shaqeeya 50 iyo 200 saraakiil ka fariistay shaqooyin gaar ah oo kala duwan, waxaana lagu waramay in badankooda looga ruqseeyay waajibaadka ciidanimo sababo la xiriira daacadnimadooda Diinta suuban ee Islaamka.

Eedeymaha ka dhanka ah SADAT ayaanan ahayn kuwa cusub. 2018-kii, mucaaradka Turkiga wuxuu sheegay in ay howlgalo ka baxsan shaqooyinkeeda kawado wadamo ay kamid tahay Suuriya. Balse, eedaas kama aysan Jawaabin.

Source:–Arabnews

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post