663 Views

War deg dcg ah: Qaraxa goor dhawayd ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye

War deg dcg ah: Qaraxa goor dhawayd  ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho laga maqlay Qarax xoogan oo la sheegay in Jugtiisa ay aad u cusleed.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay  Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu qaraxa fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya Qofka qaraxa isku soo xiray uu isku qarxiyay Goob laga raaco Gadiidka aada degmada Dharkeenleey, gaar ahaan isgoyska Macalin Nuur, isla markaana dhagxaan ay ku xireen laamaha Amniga Soomaaliya.

Sidoo kale Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post