2823 Views

Raisulwasaare Khayre oo Kulan afur ah la qaatay Dhallinyarro Soomaaliyeed oo Xukuumaddu ka soo qaaday Xabsiyadda Liibiya

Raisulwasaare  Khayre oo Kulan afur ah la qaatay Dhallinyarro Soomaaliyeed oo Xukuumaddu ka soo qaaday Xabsiyadda Liibiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jun, o2, 2018 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Ergayga arrimaha qaxootiga u qaabilsan Xafiika Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahed celiyay cid walboo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaatay sanayd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Isgaoona tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

“Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, Waa inaad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay Madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka, qof walbana ay muhiim tahay in uu qaybtiis ka qaato dib u dhiska dalka.

khayre-afur-6 khayre-afur-5 khayre-afur-4 khayre-afur-3 khayre-afur-2 khayre-afur-1

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment