1056 Views

Kenya oo shaacisay inay dib u dhigtay xiritaankii xeryaha qaxootiga ee Dadhaab iyo Kakuma

Kenya oo  shaacisay inay dib u dhigtay xiritaankii xeryaha qaxootiga ee Dadhaab iyo Kakuma
____________________________________________________________________________

April 29-2021


Dawladda Kenya ayaa shaacisay inay dib u dhigtay xiritaankii xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma ee ay ku jiraan qaxooti ka yimid Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo waddamo kale.

Go’aankan ayay ku dhowaaqday Kenya maanta kadib markii ay kulan yeesheen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dunida UNHCR Filippo Grandi.

Kenya waxay sheegtay inay xeryahan xiri doonto marka la gaaro bisha 30-ka Juun ee sannadka 2022-ka. Guddi ka socda dawladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabi doona qorshaha lagu dedejinayo xiritaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dawladda Kenya.

Dadka qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay xilligan ku jiraan xeryaha Dadaab iyo Kakuma qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayey dawladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Hay’adda xuuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhowaysay go’aanka dawladda Kenya

Offiice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post