1008 Views

Weerar askar Hindi ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Kashmiir

Weerar askar Hindi ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Kashmiir
____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 202

Inta la xaqiijiyay 2 askari oo Hindi ah ayaa geeriyootay 14 kalena waa ay ku dhaawacantay weerar koox hubaysan ku qaaday gaari bas ah oo siday ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo marayay gobolka Kashmiir.


Goob joogayaal ayaaa sheegay inay arkeen sadex nin oo hubaysnaa ay gaariga askarta siday rasaas ooda kaga qaadeen kadibna ay baxsadeen.
Dhacdaadaan waxay meel u dhaw xero lagu tababaro booliska oo ku taala magaalada Sarinagaar oo gobolka Kashmiir ka tirsan.


Askarta waxyeelowday waxaa ku jira saraakiil sar sare oo booliska gobolka ka tirsan.
Ma jirto cid sheegatay weerarkaan mas’uuliyadiisa dawladuse waxay ku eedeysay koox la yiraahdo Kashmiir tigers.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post