495 Views

Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo gelinkii dambe ee galabta gudaha u soo galay degmada Doolow ee gobolka Gedo si ay Alshabaab ula dagaalamaan

Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo gelinkii dambe ee galabta  gudaha u soo  galay degmada Doolow ee gobolka Gedo si ay Alshabaab ula dagaalamaan
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Ciidamo ka tirsan Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee maanta gudaha u galay degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaas.

Ciidamada ayaa la sheegay inay la wareegeen oo fariisimo ka sameysteen goobo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha degmada Doolow Soomaaliya, sidoo kale waxay u gudbeen dhinaca degmada Beledxaawo, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in go’aanka ciidamada Itoobiya ay ku soo galeen gobolka ay wax ka ogyihiin oo taageersan yihiin, dhawaana ay wada bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa mudooyinkii dambe waxay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadeen deegaanada dhaca xuduuda iyo gudaha Soomaaliya, sidoo kale Itoobiya weli wax faahfaahin ah kama bixin ciidankaan aadka u badan ee maanta soo galay gobolka Gedo.

Gobolkaas oo sharci ahaan hoostaga maamulka Jubbaland, hadda waxaa maamula siyaasiyiin ay geysatay dowladdii Farmaajo, mana jirto cid ay ka amar qaataan, taas oo sii badineysa walwalka laga qabo imaashaha ciidanka Itoobiya iyo qorshaha ay wataan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo culus ka bilaabay gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, waxaana la sheegay in qorshahoodu uu yahay inay Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanada dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafuud ka socota dowladda Itoobiya ayaa todobaadkii hore loo kala diray magaalooyinka Beledweyne, Hargeysa iyo Baydhaba, si maamullada ka jira ay ugu qanciyaan qorshahooda la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo diyaarad ciidan Jimcihii looga qaaday magaalada Baydhaba ayaa gaaray magaalooyin ay ugu horeyso Godey oo Itoobiya ka tirsan, waxa ugu weyn ee laga hadlayana waa gulufka dagaal ee Al-Shabaab ay ku wajaheen Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post