486 Views

Ciidanka xoogga oo howlgalo xooggan ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka lambar-konton ee gobolka shabeelaha hoose

Ciidanka xoogga oo  howlgalo xooggan ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka lambar-konton ee gobolka shabeelaha hoose
____________________________________________________________________________


Sabti: January 15, 2022

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalo xooggan ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka lambar-konton ee gobolka shabeelaha hoose.

Deegaanada ay howlgalka ka sameeyeen ciidanka xoogga dalka waxaa ay kala yihiin Muuri, Idimow iyo Fidda Muuse kuwaa oo ka tirsan  gobolka shabeelaha hoose, Waxaana Ciidamada Dowladda shegeen in ay Saldhigyo waa weeyn ku kahaayeen Dagaalamayasha Al-shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid xoogan sida ay shegeen Saraakiisha Ciidamadda Dowladda, waxaa siwada jir ah ufuliyay ururka lixaad ee kumaandooska gorgor iyo Ciidanka 14 October ee xoogga dalka.

In kastoo Ciidamada Dowladda aysan Faah-faahin intaasi sheer bixin hada waxaa ay malmihii lasoo dhaafay Howlgallo ka wadeen degaano hoos yimaado gobolka shabeelaha hoose.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post