708 Views

Booliiska gobolka Wajeer oo sheegay inay heleen maydka kaaliye degaan oo Al-Shabaab dileen

Booliiska gobolka Wajeer oo  sheegay inay heleen maydka kaaliye degaan oo Al-Shabaab dileen
____________________________________________________________________________

Booliiska gobolka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka kaaliye degaan oo maalintii Jimcihii ay afduubeen maleeshiyaad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Booliiska Khorof Xaraar waxay sheegeen in la helay maydka Cumar Aadan Buul oo ahaa kaaliyihii saldhigga degaanka Gumarey oo hoos yimaada Khorof Xaraar.

Waxay intaas ku dareen inay egtahay in Cumar Aadan Buul lagu dilay meel ka baxsan halka lasoo dhigay maydkiisa oo u dhaxaysa Khorof Xaraar iyo Konton.

Booliisku waxay sheegeen in mas’uuliyinta baaritaanka wada ay weli joogaan goobta.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab oo weerarro iskugu jira ku dhufo oo ka dhaqaaq, qaraxyo iyo kuwo gaadmo ah ka gaystay gobolka Waqooyi Bari.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post