768 Views

Mareykanka oo Soomaaliya dib ugu soo celinaya ku dhawaad 100-ruux!

Mareykanka oo Soomaaliya dib ugu soo celinaya ku dhawaad 100-ruux!
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL |  September 16 2020
—Dowladda Mareykanka ayaa qorsheysay in dalkeeda ay kasoo masaafuriso Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhaw 100-ruux, isla markaana la sheegay qaarkood in ay xiligaan ku xannuunsan yihiin Xabsiga.

Qaarkood ayaa Mareykanka ku guursaday oo ku ilmo dhalay, waxaana laga reebayaa Xaasaskooda iyo Carruurta ay u dhaleen sida ay qorsheysay waaxda Mareykanka u qaabilsan howshaan.

Qareennada dadkaan ayaa u xaqiijiyay ehelkooda tallaabada Masaafurinta, waxaana la qorsheeyay in lagu dhaqaaqo howsha qaadista dadka Khamiista iyo Jimcaha Todobaadkaan kuna beegan 17/18 September 2020.

“Wiilkeygu dad ma dilin, dad ma dhicin, ma aqaan dambiga Mareykanka looga musaafurinayo, Waa Xaasle iyo Aabaha Carruur yar, waxa uu ku xiran yahay Xabsiga oo uu ku xannuunsanayo, waa uu qandhan yahay, waxaana looga shakisan yahay Coronavirus” Sidaasi waxaa Warbaahinta u sheegtay Hooyo dhashay mid kamid ah Dadka la masaafurinayo.

Walwalka kuma koobno Hooyo Maryama oo kaliya, waxaa jira Hooyooyin kale oo maalin iyo habeen gudbiya warqado ay ku dalbanayaan in aan lagu degdegin qaadista Dhalinyaradaan oo haddii la geeyo Soomaaliya khatar la kulmi kara.

Ururka u dooda Muslimiinta Mareykanka ayaa dadaalka qayb ka ah, waxa ay la tashanayaan Guddiyada Bulshooyinka kale ee Dalkaas kunool si ay garab uga helaan loona baaqiyo masaafurinta dadkaan.

Warbaahinta Gudaha Mareykanka ayaa tabisay in ku dhawaad 100-kaan ruux ee la qorsheynayo dib ugu soo celinta Soomaaliya in aysan jirin ehel uga horeeya, Haddii laga dhega fureystana dhibaatada gaarta ay dusha saaran doono Dowladda Mareykanka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post