876 Views

kulan goordhoweyd u bilowday xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka labada Aqal iyo Midowga musharaxiinta\

kulan goordhoweyd u  bilowday xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka labada Aqal iyo Midowga musharaxiinta\
____________________________________________________________________________

Talaado: 9/2/2021

Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka bilowday kulan gaar ah oo u socda xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka labada Aqal iyo Midowga musharaxiinta mucaaradka ah, xili ay xaalad cakiran ka taagan tahay dalka.

Kulankan oo aan hore loo shaacin ayaa si deg-deg ah ku qabsoomay, waxaana looga hadlayaa xaalada dalka iyo muddo xileedka dhamaaday ee madaxweynaha, oo xukuumaddiisu isku dayeyso muddo kororsi ay ka soo horjeedan mucaaradka.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya kulankaan ayaa sheegaya in Musharaxiinta mucaaradka ay xildhibaanada isku mowqifka yihiin kala hadlayaan qorshe la sheegay in uu Ra’iisal wasaare Rooble uu maalinta berri ah horgeyn doono Golaha shacabka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa berri hortagaya Baarlmaanka, isaga oo ka baaqday kulankii hore ugu balansanaa, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro qorshe uu ku codsanayo muddo kororsi, si loo qabto doorasho qof iyo cod ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post