264 Views

Guddoomiyaha maxkamadda Korneyl Shuute oo shir jaraa’id qabtay Goor dhaway oo ka jawaabay eedaynta Beesha Reer xaaji Saleebaan

Guddoomiyaha maxkamadda Korneyl  Shuute oo shir jaraa’id qabtay Goor dhaway oo ka jawaabay eedaynta Beesha Reer xaaji Saleebaan
____________________________________________________________________________

 Talaado: December 20, 2022

  Maxkamadda ciidmaada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka soo jawaabtay eedeymo culus oo dul-hoganayey maalmahaan, kadib markii lagu eedeeyey in dil lagu xukumay rag aan geysan dambiyada loo heysto.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo shir jaraa’id qabtay ayaa si faahfaahsan uga hadlay laba kiis oo maxkamadda la hor geeyey maalmihii lasoo dhaafay.

Labadaan kiis ayaa kala ah ninkii lagu xumay dilka ee loo heystay inuu garoonka Aadn Cadde u fududeeyey inay gudaha u galaan laba nin oo weerar toos ah ka fulisay afaafka hore ee garoonka, kuwaas oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Ninka kale ee kiiskiisa uu muranka badan ka dhashay oo Shuute uu ka jawaabay waa mid loo heysto nin kale oo dil lagu xukumay, kaas oo cidda uu ka dhashay ninka horay u dhintay ay dood ka keentay.

Reerka uu ka dhashay nin lagu dilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha-biyaha ayaa dood ka keenay xukunka nin ka mid ahaa 8-qof oo 6 ka mid ah maalmo ka hor ay maxkamaddu ku xukuntay inay Shabaab ka tirsanaayeen.

Reerka ayaa ku dooday in ninka la xukumay uusan dilin wiilkooda, iyagoo ku dooday in askari ka tirsan ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafikada uu dilay wiilkooda, cadeymana ay u hayaan eedeyntooda.

Guddoomiye Shuute ayaa sharaxaad dhameystiran ka bixiyey labadaan kiis, isagoo mid mid u dul istaagay waxyaabaha la isku hayo iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post