1017 Views

Madaxweyne Waare oo Villa soomaaliya ku eedeeyay dilka Xildhibaan Aamina ee caawa dhacay

Madaxweyne Waare oo Villa soomaaliya ku eedeeyay dilka Xildhibaan Aamina ee caawa dhacay
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 20, 2021

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay dilka Xildhibaanad Aamino ayaa sheegay in falkaasi aysan kaliya fulin dagaalameyaasha Al-shabaab.

“Ma caadi baa in dadka dhaliila Villa Somalia ay dilaan Al Shabaab? Miyaan aqbalnaa tan oo aan ka dhaqaaqnaa? Waa ayo Al Shabaab hadda? Kani waa dil ay fulisay Villa Somalia. Wax ka yar ma jiro. Wax kale ma jiraan !” ayuu ku yiri Qoraal uu boggiisa Twitter-ku daabacay Mr Waare.

Eedeynta Waare ayaa ku soo aadaysa Xilli Ra’iisul Wasaare Rooble uu amray in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilka loo geystay Xildhibaan Aamino oo ka tirsaneyd Golaha Shacabka.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post