3012 Views

AKHRISO: Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Farmaajo oo Amaro kusoo rogay

AKHRISO: Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Farmaajo oo Amaro kusoo rogay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2018 —Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray war ku aadan Mooshinka ay ka keeneen Madaxweyne Farmaajo.

Warka xildhibaanada ayaa sidaan u qornaa:

Waxay xildhibaano metelaya shacabka iyo deegaanka laga soo doortay ay ayagoo gudanaya waajibaadkooda keenneen soo jeedin sharci ah oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii uu aqoonsan yahay baarlamaamkii doortay iyo dastuurkii uu ku dhaartay awooddana siiyay, wuxuu kuqasbanaa in uu maro waddo sharci ah baarlamaankana u hoggaansamo. Beddelkeeda madaxweynaha wuxuu u dhaqmaqmayaa mas’uuliyad darro:

1-Waxaa la xanibay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, looma geli karo oo xataa xildhibaanadii waa loo diidey

2.Waxaa laga hadashiinayaa xildhibaanno aanan aslanba mooshinka saxiixin, iyo qaar aamusnaa illaa mooshinka lagasaaro shaabadda, Guddoonkana uu qabto, Sida sharciga ah mooshin la qabtay kaddib xildhibaanka ra’yigiisa haddii uu is beddelo waxaa u furan cod.

Waxaa lasoo saaray warqad uu ku saxiixan yahay Buux oo oo la yiri mooshinka waa jabay si buuq loo abuuro. Haddii aysan xusuustooda yareyn, isla Buux ayaa March 14, 2018 wuxuu shir jaraa’id la qabtay Guddoomiye Jawaari oo mooshin ka yaallay asagoo yiri xildhibaanno badan ayaa ka noqday, wuuna jabay. Mooshinkii inuu jabay Guddoomiye Muudey wuu diiday, sidiina Jawaari isku casilay. Buux ma aha xildhibaan, shalay warkiisa Guddoomiye Muudey oo mooshinka hayay iyo xildhibaanada ayaa diidday, maantana waa sidoo kale. Shalay iyo maanta Buux ma kala aha.
Inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen Barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda:
In wax heshiis ah uusan geli karin.
In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.
In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment