828 Views

Weerar ka dhacay degmada Jalalaqsi & Khasaaro ka dhashay

Weerar ka dhacay degmada Jalalaqsi & Khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 11 |  2020
—Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar la sheegay in Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Booliska degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada booliska degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan & Al-Shabaab, kaa soo socday in ka badan Saacad.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale, kuwaas oo isugu jira Shacab iyo Ciidan intaba.

Laamaha Ammaanka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan & kuwa AMIOSM oo ku sugan qeybo kamid ah degmada Jalalaqsi weli kama hadlin weerarkaas, hayeeshee waxaa la sheegay in manta ay wadaan howlgallo kala duwan.

Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti, waxaana mararka qaar weerara Al-Shabaab.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post