1278 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Dowladda Aysan Adeegsan Wax Awood Ah

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Dowladda Aysan Adeegsan Wax Awood Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 21, 2019 –Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ka hadlay eedeymaha loo jeediyay Xukuumaddiisa ee ah in ay awood u adeegsato wax kasto oo ay dooneyso inay qabato.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in aysan wax awood ah u adeegsan shaqadii ay rabaan inay qabtaan,hayeeshee dhaqanka dowladda uu yahay in hadii la rabo in horumar laga gaaro dhinaca dhaqaalaha lala dagaalamo Musuq Maasuqa,taasina aysan awood aheyn.

Isaga oo wareysi siiyay TV-ga Afka Soomaaliga ku baxa ee Universal ayaa waxa uu tilmaamay in uu aaminsan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay ogyihiin waxqabadka dowladda ee labadii sano ee la soo dhaafay,isla markaana xusay in Caalamka uu qiray in Soomaaliya ay rago wanaagsan leeday ayna gaartay hormar la taaban karo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment