690 Views

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo lagu cambaareeyey weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho..

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga  oo  lagu cambaareeyey weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho..
____________________________________________________________________________

6-  Marso, 2021

Dowladda Turkiga  oo saaxiib dhaw la ah Somaliya ayaa Noqotay Dalkii ugu horeeyay ee ka hadla  qarixii is-miidaaminta ee xalay ka dhacay maqaayaladda Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Qoraal  booban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu cambaareeyey weerarkaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Turkiga ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay mar-weliba garab taagnaan doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii wadi doonno garab istaagga dadka walaalaha ah e Soomaaliya ee dagaalka ay kula jira argagixisada,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ay soo saartay dowladda Turkiga.

Qarixii xalay ka dhacay maqaal Luul Yemeni oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay illaa 25 ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 kale oo isugu jiray shacab & askar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post