2328 Views

Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Degmada Xudur

Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Degmada Xudur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2018 –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxa uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay duubabka dhaqanka, cullima udiinka, ururada bulshada, haweenka iyo ganacsatada ee ku dhaqan degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Madaxweyanaha ka dhageystay waxa ay ka tabanayaan bulshadii uu la kulmay, waxay intooda badan ay codsadeen dib u xoreynta degmada tiyeegloow oo gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-shabaab, isku furka waddooyinka isku xiriiriyo Gobolka Bakool iyo guud ahaa Gobolada maamulka Koonfur Galbeed dhamaana laga sifeeyo Al-shabaab.

Madaxweyanah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa  Bulshada Iyo odayasha iyo maamulka si cad ugu sheegey in Dhabaatooyinka ay ka tabaneyaan wax laga qaban doono

“Waxaan ugu mahadcelinayaa dhamaan bulshada reer Bakool soo dhoweyntii ay noo sameeyeen aniga iyo wafdigeyga, waxaana ballanqaadayaa in aan Al-shabaab ka sifeeyn doono deegaanada maamulka, isla markaana wax weyn ka qaban doono kaabayaasha dhaqaalaha oo burbursan,ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta- Gareen ayaa shalay safarkii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay waxa uu ku tegay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay,isagoona xalay ku hoyday degmadaasi.

 

 

W/Q:Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment