861 Views

Qareeno Soomaali Ah Oo Maxkamadda ICC U Gudbiyay Dacwado Ka Mid Ah Kiiskii Ikraan Tahliil

Qareeno Soomaali Ah Oo Maxkamadda ICC U Gudbiyay Dacwado Ka Mid Ah Kiiskii Ikraan Tahliil
____________________________________________________________________________


Sabti: September 25, 2021

Qareeno Soomaaliyeed oo fadhigooda yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee dagaalka ICC ee xarunteeda tahay magaalada The Hague.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dacwadan ay u gudbiyeen Maxkamadda ICC ay tahay afar kiis.

Waxaa uu sheegay in afarta kiis ee ay Maxkamadda u gudbiyeen ay kala yihiin kiiskii dilkii Ikraan Tahliil, xasuuqii ka dhacay Baydhabo sanadkii December 2018, xayiraadii diyaaradaha Kismaayo iyo dhalinyarada loo qaaday Eritrea.

Garyaqaanka ayaa sheegay in Maxkmadda ay ka qabatay gal dacwadeedka, isla markaana ay jawaab ka heleen inuu gaaray dukumiintiga, balse ay ku xiran tahay sida ay fursadooda tahay oo ay kiisaska u kala horumarin lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysay eedeymo kala duwan afartii sano ee Maamulka Madaxweyne Farmaajo, waxaana eedda ugu weyn ee maalmahan hareeyay uu yahay kiiska dilkii Sarkaalad ka tirsaneyd NISA Ikraah Tahliil oo dhowaan Taliska NISA ay shaacisay inay Al-Shabaab dileen, halka Shabaab iska fogeeyeen dilkaas, waxaana kiiskaas uu khilaaf ka dhex dhaliyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo keenay in xilka laga qaado Taliyihii NISA Fahad Yaasiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post