786 Views

Galmudug oo shir ka yeelatay Suggida Amniga Shirka maamul goboleedyada

Galmudug oo shir ka yeelatay Suggida Amniga Shirka maamul goboleedyada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 07  2020–Madaxweyne kuxigeenka Galmudug State mudane Cali Dahir Ciid ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Galmudug oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Maaliyada, La taliyaha Madaxweynaha Galmudug ee Dhanka Amniga iyo Saraakiisha Hay,ada Nabadsugida heer Galmudug saraakiisha Booliska ayaa waxaa diirada lagu saaray sare uqaadida amniga guud ee Galmudug iyo kan gaar ahaan Caasimadda Galmudug oo marti galinaysa Shirweynaha Dhusamareeb One.

Gunaanadka shirka Madaxweyne Cali Ciid ayaa faray laamaha Amaanka Galmudug in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Caasimadda iyo degaanada ku xeeran.

Galmudug ayaa 9 ka Bisha June martigalinaysa Shir dhexmaridoona Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed waxana Shirkaasi la saadaalinaya in uu Gogol xaar u noqdo qabsoomida Shirka Amniga Qaranka .


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post