402 Views

Hay’adda cuntada addunka ee loo soo gabiyo WFP oo ka digeysa xaaladda dadka ku nool Tigray.

Hay’adda cuntada addunka ee loo soo gabiyo WFP oo ka digeysa xaaladda dadka ku nool Tigray.
____________________________________________________________________________

Sabti: august 20, 2022

Hay’adda cuntada addunka ee loo soo gabiyo WFP, ayaa ka digeysa in sagaal kamid ah tobanka qof ee ku nool gobolka Waqooyi ee Tigray ee ay colaaddu ragaadisay ay khatar ugu jiraan macluul.

Ugu yaraan kala bar tirade guud ee dadka ku nool gobolkaasi ayaa wajahaya cunto yari.

WFP ayaa sidookale ka digtay in tiradaasi ay sii kordhi karto. Gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiiyo Tigray, ayaa dib u bilowday bishii April, kaddib markii dowladda dhexe ee Itoobiya ay ogolaatay heshiis xabad joojin ah oo y la gasho dagaalyanahada Tigray, balse shidaal yari jirtay, ayaa waxaa ay saameysay howlaha gaargaarka lagu gaarsiinayo gobolkaasi

Jimcihii, WFP ayaa wxay ka digtay in 20 milyan oo qof oo ku nool qaaradda Africa ay wajahayaan macluul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post