1875 Views

Senotor Faroole oo ka hadlay isbedelka ka dhacay maamulka Puntland

Senotor Faroole oo ka hadlay isbedelka ka dhacay maamulka Puntland
____________________________________________________________________________

Garowe | QOL | Janaury 8, 2019 – Madaxweynihii hore ee Puntland ahna senotor Aqalka Sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa hadal kooban ka jeediyay hoolka doroshada ee lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Senetor Faroole ayaa hadalkiisa ku muujiyay siduu ula dhacsanaa in doorashada uu ka haro Madaxweyne Gaas, waxaana uu sheegay in doorashada ka dhacday magaalada Garowe ay aheyd mid xalaal ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha cusub ee la doortay uu wax badan ka yaqaano islamarkaana uu hogaamin karo shacabka Puntland.

“Waa maalin weyn waa maalin isbadal xalaal ah uu ka dhacay Puntland, waxaa dadka Puntland loo xulay qof xilka lagu aamini karo, waxaan u mahad celinayaa xildhibaanada golaha wakiilada Puntland, waxaana kaga mahadcelinayaa doorashada ay doorteen hogaamiye Saciid Cabdullaahi Deni oo ah siyaasi Nadiif ah”.

“Waa nin nadiif ah oo aan aqaan, hadda ka horna ku sigtay inuu ra’iisul wasaare noqdo, waan ku naqaanaa kartida uu leeyahay  Saciid Deni, waxaan kaloo aan u mahadcelinayaa Generaal Asad oo ciidamada ugu tayada wanaagsan ee Puntland hogaamiye ka ahaa xiligii aan madaxweynaha ahaa”.

“Dabeyshii ina heysatay ayaa ina dhaaftay, waxaan dadka shacabka ah u rajeynayaa inay helaan barwaaqo iyo xasilooni”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment