1098 Views

Banaanbax ka dhacay Magalada Cadaado

Banaanbax ka dhacay Magalada Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 17 2019 —Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar ka mid ah Shacabka kala duwan ee ku nool Magaladaas.

 

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay dalbaanayeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu fuliyo balantii uu horay ula galay ee aheyd in Magaalada Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

 

Qaar ka mid ah Odayaasha & Waxgaradka Magalada Cadaado  oo meel fagaaro ah ku hadlayay banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay sheegeen inay xoojinayaan hadalkii shalay ee Odayaasha Cadaado,kaas oo ahaa hadii aan Xarunta Baarlamaanka Galmudug laga dhigin  Cadaado aysan qeyb ka aheyn dhismaha Galmudug.

 

Waxaa ay sidoo kale hadalkooda intaasi ku dareen in marnaba ay lagama maarmaan tahay in Dowladda Soomaaliya ay fuliso balanqaadkii,isla markaana maqaamka Cadaado ay meel saarto,sidoo kalena hadii Xarunta Baarlamaanka Galmudug aysan noqon Cadaado aysan Dhuusamareeb u aqoonsaneyn Xarunta Maamulka Galmudug.

 

Si kastaba Banaanbaxaan Maanta ka dhacay Magalada Cadaado ayaa waxaa uu kusoo aaayaa xilli xalay Magaalada Dhuusamareeb lagu soo geb-gabeeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in loo gudbayo Wajiga 2aad ee dhisamaha Galmudug mideysan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment