1014 Views

Madasha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda oo lagu dhawaaqayo

Madasha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda oo lagu dhawaaqayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 30, 2019 —WaMagaalada Muqdisho ayaa la filayaa in looga dhawaaqo Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda ee dalka oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaano katirsan golaha Shacabka ayaa sheegay in Isbaheysigaas ay ku mideysan yihiin Xisbiyo ay hoggaaminayaan Maadxweynayashii hore ee Somalia ee sheikh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud iyo laba kamid ah madaxweynayaashii hore ee dawlad goboleedyada.

 

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Madashada Xisbiyada uu hoggaamin doono Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed,isla markaana loogu tanaasulay in uu hoggaamiyo.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka socday kulamo wadatashi ah oo ay yeelanayeen Xubnaha ku midoobaya Madasha xisbiyada,waxaana magaalada muqdisho lagu qabanayaa munaasabad loogu dhawaaqayo Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda.

 

Sidoo kale waxaa jirtay in la hadal-haayey in Xisbiga Wadajir uu kamid noqon doono Madasha xisbiyada ee lagu dhawaaqayo,hayeeshee hoggaamiyaha Xisbigaas C/raxmaan Cabdi Shakuur uu diiday kamid ahaanshaha sababo la xiriira in uuka horymid  in Madashu yeelato Guddoomiye, taas bedelkeeda uu soo jeediyay inay Xiriiriye kaliya yeelato.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment