1224 Views

Foolkaano wayn oo ka qaraxday waddanka Tonga oo horseedday mowjado sunaami ah oo dambas ku dadday jasiiradaha Pacific-ga,

Foolkaano wayn oo ka qaraxday waddanka Tonga oo  horseedday mowjado sunaami ah oo dambas ku dadday jasiiradaha Pacific-ga,
____________________________________________________________________________


Axad: January 16, 2022

 Foolkaano wayn oo ka qaraxday waddanka Tonga ayaa waxa ay horseedday mowjado sunaami ah oo dambas ku dadday jasiiradaha Pacific-ga, kortadii jartay, kharibtayna isgaarsiintii.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay in sunaamida “waxyeello wayn” gaysatay, doonyo ay xeebaha ku soo caarisay sidoo kalana ay aastay dukaamadii ku yaal xeebta.

Xogta laga helayo Tonga ayaa aad u yar hasayeeshee illaa hadda wax dhimasho ah lama soo tebin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Tonga ay u egtahay “sida sawirrada laga soo qaado dayaxa” kaddib markii uu ku dul habsaday dambas badan oo ka soo baxay foolkaanada.

Dambaska ayaa lagu soo warramay inuu sumeeyay kaydka biyaha iyadoo taasi ka dhigtay mid adag in la helo biyo nadiif ah, Ms Arden ayaa tiri.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in dambas iyo qiiq ay ku dhaliyeen mas’uuliyiinta inay dadka u sheegaan inay cabaan biyaha ku jira caagadaha ayna xirtaan mask-ga afta si ay sanbabahooda u ilaashadaan.

Foolkaanadan ayaa ka kacday biyaha hoostiisa maalintii Sabtida, iyadoo daruur dambas ah uu cirka isqabsaday arrintaas oo horseedday digniin ah in mowjadaha Tonga ay gaarayaan 1.2m. Foolkaanada ayaa aad u xooganayd oo dhawaqeeda waxaa laga maqli karay New Zealand oo Tonga u jirta 2,383km.

Iyadoo cirka uu qariyay dambaska ayaa muuqaal la soo duubay waxa uu muujinayaa saxmadda gawaarida xilli dadku ay dhulka hooseeya gawaari uga baxsanayaan. Saacado kaddib, internetka iyo khadadka taleefannada ayaa go’ay, arrintaas oo ka dhigtay 105,000 ee qof ee ku nool guud ahaan jasiiraddaasi kuwo aan la gaari karayn.

Ms Ardern ayaa sheegtay in quwadda korontada dib loogu soo celiyay qeyba ka mid ah jasiiradda iyadoo taleefannada gacanta ay bilaabeen inay dib anteenada u helaan. Hasayeeshee xaaladda qeyba ka mid ah deegaannada xeebaha ayaanan weli la ogayn.

Dad badan oo Tonga u dhashay oo ku nool wadammada Australia iyo New Zealand oo aanay u suuragelin inay la hadlaan qoysaskooda iyo saaxiibadood, ayaa walaac wayn ka qaba badqabka dadkooda.

Fatima ayaa sheegtay in aanay waxba ka maqal saaxiibteed oo caasimadda Tonga ee Nuku’alofa ku leh makhaayad lagu iibiyo cuntada badda.

“Waa wax aad looga xumaado, wanaag umbaan halkaas ka rajaynaynaa”, ayey u sheegtay BBC. “Arrintan si xun ayey u saamayn doontaa maadaama ay muddo dheer ku jireen xayiraad oo dalxiisayaalna aanay halkaas booqan, haatanna ay dhibaatadan ka dhacday.”

New Zealand iyo Australia ayaa waxa ay halkaas u dirayaan duulimaadyo lagula dhaqdhaqaaqa lagula soconayo si loo qiimeeyo heerka ay dhibaatada gaarsiisan tahay.

Sawirrada lagu qaaday dayaxgacmeedka ayaa muujinaya in qaar ka mid deegannada hooseeya ee jasiiradaha ay ka buux dhaafiyeen biyaha badda.

Khubaradaha ayaa sheegaya in foolkaanada ka qaraxday Hunga-Tonga-Hunga-Ha’apai ay ka mid tahay noocyada ugu qatarta badan ee gobolkaasi ka dhacay muddo tobannaan sanadood ah.

Waxa ay horseedday digniin sunaami oo loo diray dhowr dal, oo ay ku jiraan Japan iyo Mareykanka, halkaas oo daadad ay ku dhufteen qeyba ka mid xeebaha California iyo Alaska.

Wasiirka xafiiska arrimaha dibadda ee UK Zac Goldsmith ayaa xaaladda Tonga ugu yeeray inay tahay “mid laga naxo” waxaana uu sheegay in Britain ay “diyaar u tahay inay noocwalba u caawiso wadaygeeda iyo saaxiibkeeda ka tirsan dalalka Barwaaqa-sooranka”.

Cilmibaarayaasha ayaa aad u danaynaya inay fahmaan waxa dhaliyay sunaamida ay ka dhasheen mowjadaha aanan ku ekaan ee kalilya jasiiradaha halkaas ka ag dhaw ee balse gaaray xeebaha ku xeeran badweynta Pacific-ga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post