834 Views

Sarkaal Xamaas ka tirsan oo sheegay in Israa’iil iyo xooggaga Gaza ay gaaraan xabbad-joojin

Sarkaal Xamaas ka tirsan oo sheegay  in Israa’iil iyo xooggaga Gaza ay gaaraan xabbad-joojin
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan ayaa sheegay inuu rajeynayo in Israa’iil iyo xooggaga Gaza ay gaaraan xabbad-joojin “maalin ama labo maalin gudahood” xilli werarrada ay weli sii socdaan.

Balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Arbacadii sheegay “inay ka go’an tahay in weerarku sii socdo” ilaa “xasiloonida iyo ammaanka dib loogu soo celiyo muwaaddiniinta Israa’iil”.

In ka badan 100 duqeymaha cirka ah ayay saakay aroortii diyaaradaha Israa’iil ka geysteen dhismooyin ku yaalla Gaza.

Xooggaga Falastiiniyiinta ayaa ku jawaabay gantaallo ay ku rideen gudaha Israa’iil.

Dagaalka Gaza ayaa bilowday kaddib toddobaadyo ay sii xoogeysatay xiisadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta u dhaxaysa ee ka taagan Bariga Qudus, taas oo sababtay heer ay labada dhinac ku dagaallamaan goob ay Muslimiinta iyo Yuhuudduba u aqoonsan yihiin inay barakeysan tahay. Xamaas, oo maamusha Gaza, ayaa bilowday inay ganto gantaallo kaddib markii ay Israa’iil uga digtay inay aaggaas isaga baxaan, taas oo horseedday duqeymo dhanka cirka ah oo aargoosi ah.

Ugu yaraan 227 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 100 haween iyo carruur ah, ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay Gaza, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka halkaas. Israa’iil ayaa sheegtay in ugu yaraan 150 dagaal-yahanno ah ay ku jiraan kuwa lagu dilay Gaza. Xamaas ma aysan bixin xog ku saabsan tirada askarta uga dhimatay dagaalka.

Gudaha Israa’iil ilaa 12 qof, oo ay ku jiraan labo carruur ah, ayaa lagu dilay, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka. Israa’iil ayaa sheegtay in ilaa 4,000 oo gantaallo ah ay xooggaga ku sugan Gaza ku tuureen gudaha dalkaas.

Muxuu yiri sarkaalka Xamaas?

“Waxaan u maleynayaa in dadaallada socda ee la xiriira xabbad-joojinta ay guuleysan doonaan,” Muusa Abu Marzuuk, ayaa sidaas u sheegay Telefishinka al-Mayadeen ee Lubnaan laga leeyahay.

“Waxaan filayaa in xabbad-joojin lagu gaari doono maalin ama labo maalin gudahood, xabbad-joojintuna waxaa lagu saleyn doonaa heshiis labada dhinac ah.”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu sii xoogeysanayo cadaadiska beesha caalamka ee lagu saarayo Israa’iil iyo xooggaga Falastiiniyiinta inay soo afjaraan dagaalka u dhexeeya.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Masar ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in labada dhinac ay isku raaceen xabbad-joojin kaddib garab ay ka heleen dhexdhexaadiyeyaasha balse wada xaajoodyada ayaa weli socda.

Shalay, Madaxweyne Biden ayaa wadahadalkii afaraad ee dhanka telefoonka la yeeshay Netanyahu tan iyo intii uu dagaalku bilowday.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha wuxuu ra’iisul wasaaraha u sheegay inuu rajeynayo in maanta la dejiyo xiisadda si loo gaaro xabbad-joojin”

Isku daygii ugu dambeeyay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku baaqaya xabbad-joojin, kaas oo uu bilaabay Faransiiska, ayaa guul darreystay shalay markii uu Mareykanku sheegay in laga yaabo “in isku daygaasi uu wiiqo dadaallada dejinta xiisadda”.

Maxaa ugu dambeeyay wararka dagaalka?

 

Dagaalka xalay ayaa wuxuu muujinayaa in aysan jirin rajo badan oo laga qabo inuu joogsan doono.

Israa’iil ayaa saakay aroortii duqeymo xiriir ah oo dhanka cirka ah ka fulisay Gaza, kuwaas oo burburiyay laba guri. Waaxaha caafimaadka ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen duqeymo ka dhacay magaalada Khan Younis.

Israa’iil ayaa sheegtay inay beegsatay “goobaha laga gano gantaallada iyo xeryaha difaaca cirka” ee ay leeyihiin Xamaas.

Dhawaqa gantaallada ayaa laga maqli karay magaalada Beershiiba ee dalka Israa’iil iyo deegaannada u dhow xadka Gaza, iyadoo xooggaga Gaza ay ku tuureen gantaallo. Wax khasaaro ah lama soo sheegin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post