1035 Views

Maamulka G/Banaadir oo sheegay in qof walba oo Muqdisho ku dhinta la baarayo

Maamulka G/Banaadir oo sheegay in qof walba oo Muqdisho ku dhinta la baarayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 9, 2020 –Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu baarayo qof kasta oo ku dhinta magaalada Muqdisho, si loo hubiyo inuu u geeriyooday coronavirus.

 

Sababta loo soo saaray amarradan cusub ayaa lagu sheegay inay tahay si looga feejignaado xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo horayba kiisas ka mid ah looga soo tabiyay Soomaaliya.

 

Laakiin tallaabadan ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa sida ay suurtagal ku noqoneyso, xilli la ogyahay in dad badan ay magaalada ugu dhintaan xanuunno kala duwan, intooda badanna ay ku geeriyoodaan guryahooda ama meelo ka baxsan isbitaallada.

 

Qaar ka mid ah su’aalahaan ayaa la  weydiinnay, Basmo Caamir Axmed, oo ah Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada ee gobolka Banaadir.

 

Iyadoo sharraxeysa amarrada lasoo rogay ayey tiri: “Waxaan dooneynaa in dadka la aasayo aan ka ogaanno xanuunnada ay u geeriyoodeen, si loo hubiyo inay leeyihiin yihiin astaamaha cudurka coronavirus, markaas haddii ay dhacdo inuu qofkaas u dhintay xanuunkaas, waxaan amarradan ugu talagalnay isidii loo xakameyn lahaa inuusan sii faafin cudurkaas”.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegtay in maamulka gobolka uu awood u leeyahay inuu gaaro meel kasta oo ka mid ah gobolka Banaadir, iyadoo beenisay in ay jiraan meelo aysan shaqaalaha caafimaadka u tagi karin sababo amni darro awgood.

 

“Dowladda meel aysan tagi karin ma jiro. Degmooyinka gobolka Banaadir meel maanta naga xiran oo aannaan gaari karin inay jirto uma maleynayo”, ayey tiri.

 

Waxay Basmo hoosta ka xarriiqday in amarka kasoo baxay maamulka uusan micnihiisu ahayn “lama aasi karo qof meyd ah”.

 

isku darka kiis oo coronavirus ah ayaa ilaa hadda laga helay Soomaaliya, walina ma jirto cid ilaa hadda la xaqiijiyay inay cudurkaas ugu geeriyootay gudaha Soomaaliya.

 

XIGASHO BBC SOMALI

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment