2082 Views

Faah faahino Dheeraad ah Oo laga Helayo Qarax Miino Oo Muqdisho Ka Dhacay

Faah faahino Dheeraad ah Oo laga Helayo Qarax Miino Oo Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 26, 2018—Afayeenka maamulka gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Shabakada Qaranimo Online ayaa faah faahin ka bixiyay qarax ka dhacay degmada deyniile gobalka Banaadir.

Afayeenka ayaa sheegay in ay ugu yaraan 2 qof ay ku dhintayn tira kalane ay ku dhaawacmayn Qaraxa ka dhacay Xaafadda Odweyne, qof ka mid ah waa shacab dadka dhintay, halka kan kalane uu yahay Askari ka tirsan Ciidamada amaanka sidoo kale waxa uu ahaa Guddoomiye Laameed ka tirsan maamulka Deyniile.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada Nuuca dhulka la geliyo waxayna haleeshay Gaari uu watay Guddoomiye Laameedka.

Sidoo kale qarax Miino ayaa ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka warshadda Biyaha Caafi, Lama soo sheegin Khasaare ka dhashay Qaraxa ka dhacay Warshadda Biyaha Caafi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment