927 Views

Jubband oo maanta soo dhamaystiraysa doorashada Aqalka sare

Jubband oo maanta soo dhamaystiraysa doorashada Aqalka sare
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 21, 202

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa la adkeeyay amaankeeda waxaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah lagu qabto doorashada Afarta kursi ee Jubbaland uga harsan kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shalay oo Arbaco aheyd diiwaangeliyay musharixiinta Aqalka Sare, kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Qeybta hore ee doorashada ayaa Xildhibaannada Jubbaland ayaa waxaa ay dhageysan doonaan khudbadaha mushariixiinta, waxaana intaasi kadib la guda geli doonaa doorashada Afarta kursi oo ay ku tartami doonaan 8 musharax oo kala ah.

1: Layla Nuux Maax

Xareedo Maxamed Sheekh

2: Ibrahim Awgaab Cismaan

Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye

Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow

Cabsi Xuseen Cali.

Amniga Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana doorashada korjoogto ka noqon doona xubno ka socda guddiyada doorashoohinka heer Federaal iyo xalinta khilaafaadka.

Hadii maanta  Maamulka Jubbaland ay soo dhameystirto doorashada Aqalka Sare waxaa kaliya harsan Maamulka Galmudug oo doorashadoodu ay u dhiman tahay laba kursi,waxaana intaasi kadib la guda geli doonaa doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Golaha aqalka sare oo ka kooban 54 xubnood ayaa waxaa horay loo doortay 48 mid ah, waxaana maamuladda soo dhamaystiray doorashada ka mid ah maamulka Koofur Galbeed, Puntland, Hirshabeelle iyo Somaliland.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post