291 Views

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay qarixii dhawaan ka dhacay magaalada Istanbul ee dalkiisa.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay qarixii dhawaan ka dhacay magaalada Istanbul ee dalkiisa.
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 29, 2022

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay qarixii dhawaan ka dhacay magaalada Istanbul ee dalkiisa.

Isagoo ka hadlaya weerarkii qaraxii ka dhacay wadada Istiklal ee Istanbul 13-kii  bishaan November, wuxuu yiri, “Waxaan si fiican u fahamsanahay fariimaha ay bixiyaan weerarradan oo kale, waxaana tusineynaa jawaabta aan ka bixinno.” Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Erdogan raaciyay “In aan qaadno tallaabooyin ku saabsan amniga dalkeenna iyo dadkeenna, cidna fasax ugama qaadanno, uma dulqaadanno munaafaqnimada kuwa taageera ururka argagixisada,”

“Qofna ma awoodo inuu dalkeenna ku qasbo mansabyo liddi ku ah danahooda gaarka ah ee dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo ciidamada,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Mar uu ka hadlayay howgallo ammaanka looga

“Qofna waa in aan lagu khalkhalgelin hawlgallada militari ee Turkiga ee looga gol leeyahay in lagu ballaariyo amniga iyo nabadda.”

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa saaka ku warantay in Turkigu “u baahan yahay dhawr maalmood oo kaliya” si ay suurtogal u noqoto hawlgal dhulka ah oo laga sameeyo waqooyiga Suuriya, go’aankan ayaana yimid kadib shir golaha wasiirada ay yeesheen oo looga hadlayay xaaladda amniga.

Sidoo kale todobaadkii hore, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, markii uu ka soo laabtay xafladda furitaanka Koobka Adduunka ee 2022 ee dalka Qadar, ayaa saxafiyiinta diyaaradda la socday waxay weydiiyeen in uu kala hadlay hawlgalkaas Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxaana uu yiri isaga oo su’aasha la wyadiyay ka jawaabayai: “ Maxaan kala hadlaynaa hawlgalkan, Mr. Biden? Wax kulan ah oo aanu la yeelanay Mr. Putin ma jiro. Laakin Mr. Biden iyo Mr. Putin labaduba way ogyihiin in aan arrimahan oo kale ka samayn karno gobolkan wakhti kasta.”

Sida laga soo xigtay warbixinta, sarkaal sare oo aan magaciisa la sheegin lana hadlay wakaaladda wararka ee Reuters “Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga waxay u baahan yihiin maalmo yar oo kaliya si diyaar garow buuxa u sameeyaan,”. Sarkaalkan ayaa xusay in mintidiinta xulafada la’ ah  Turkiga ee Suuriya [Free Syrian Army] ay diyaar u yihiin hawlgalkan oo kale dhowr maalmood ka dib qaraxii 13-kii November.

 Mas’uulkan ayaa sheegay, “Howlgalku ma qaadan doono waqti dheer inuu bilowdo, kaliya waxaa la sugayaa Amarka Madaxweynaha.”.

Saraakiisha Turkiga oo la hadlay wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa  sheegay in howlgallo dhanka cirka ah uu Turkigu ka fuliyay waqooyiga Suuriya todobaadkii hore. Saraakiisha ayaa sheegay in wada shaqeyn kooban ay yeesheen Mareykanka iyo Ruushka gaarahaan isticmaalka hawada Suuriya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post