1689 Views

Dowladda Federaalka Oo War Ka Soo Saartay Howlgal Ay Wadaan Ciidamada Xooga Dalka

Dowladda Federaalka Oo War Ka Soo Saartay Howlgal Ay Wadaan Ciidamada Xooga Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 27, 2018 –Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiininayo ammaanka ka wada Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba.

Taliyaha Ururka 35-aad Guutadda 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneyl; Maxamed Caraaye “Foofoo” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howl-galkaasi uu ku wajahnaa la dagaallanka Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa wadadaas.

Dadka Shacabka ah ee ku nool degaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba ayuu sheegay Taliyuhu in ay la leeyihiin xiriir wanaagsantaa soo uu sheegay inay u sahleyso howlgalka ay wadaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la leennahay xiriir aad iyo aad u wanaagsan, sida aad la socoto Shacabku waxa ay ku jireen dhibaatooyin fara badan oo uu Al-Shabaab u geystay, sida Xoolaha oo laga qaato, Beerahooda oo layska tacbado, sida la doono oo laga yeesho” ayuu yiri taliyuhu.

Col; Caraaye ayaa sheegay inay taasi u fududeystay kala war qaadasho iyaga iyo shacabka h, iyagoo ogaaday halka ay ku sugan yihiin iyo goobaha ay iska soo abaabulaan, wuxuuna sheegay inay Ciidanku Dadkaasi u fidiyaan gargaar Bini-aaddannimo.

Taliye, Caraaye, ayaa intaa raaciyay in ammaanka waddada uu aad usoo hagaagayo tan iyo intii ay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Burcadda kale ka billowdeen halkaas, immimkana laysku halleyn karo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment