420 Views

Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo laga xusay Magaalada Muqdisho

Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo laga xusay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 21, 2022

Xuska maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo sanid waliba 21 Novermber la xuso, ayaa munaasabad lagu xusayey lagu qabtay Magaalada Muqdisho, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabto xarunta Tiyaatarka Qaranka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Tastuurka, Qaar ka mid ah Xildhibaannada BFS, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, qaar ka mid ah macalinmiinta Soomaaliyeed, Ardey iyo Marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka hadlay munaasabadda ayaa xusay maalintaan muhiimadda ay u leedahay Wasaaradda Waxbarashada iyo dhammaan Ardeyda Soomaaliyeed maadaama lagu weyneenayo Macalimiinta Soomaaliyeed.

“Mushkiladda dhabta ah ee ina heysata jid aan waxbarasho ahayn oo aan dhibaatada uga bixi karno haba yaaraatee in aysan jirin ayaan xaqiiqsanay” sida uu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasadda ayaa ka shakeeyay muhiimadda ay leedahay maalinta macalinka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in Barayaasha Soomaaliyeed ay wajahayaan duruufo adag iyaga oo ku soo shaqeeyay xaalado adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale balan qaaday in Dowladdiisa ay wax u qaban doonto Macalimiinta Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post