726 Views

Dowladda Itoobiya oo hor-istaagtay gargaar la garsiiiyo gobolka Tigray

Dowladda Itoobiya oo hor-istaagtay gargaar la garsiiiyo gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 02, 2021–Guddoomiyaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa dowladda Itoobiya ku booriyay in hay’adaha gargaarka u oggolaato inay galaan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dagaaladii gobolkaas ku dhexmaray dowladda iyo kooxda TPLF.

Tan iyo bishii Nofembar ee sanadkii hore, dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr Abiy Axmed ayaa dagaal kula jirtay kooxda TPLF oo mar dalkaas awood badan ku lahayd.

Dad lagu qiyaasay 60 kun ayaa u qaxay dalka deriska ah ee Sudan, halka kuwa kalena la aaminsan yahay inay ku barakaceen gudaha dalkaas. Inta badan gobolka Tigray ayaa waxaa ka maqan isgaarsiinta.

Laba bilood kahor ayay ahady markii dowladda Itoobiya ay guul ka sheegatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidamada gobolka Tigray.

Haseyeeshee haatan waxaa la soo warinayaa kufsi baahsan oo ka dhacay gobolkaas. Qaar kamid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas waxay soo sheegayaan in xadgudub galmo uu ka dhacay dalkaas iyo dad baahan oo loo adeegsaday siyaabo khaldan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post