1128 Views

Soomaaliya oo ugu baaqday wadamada Nordic in maalgeshi ay ku sameeyaan dalxiiska

Soomaaliya oo ugu baaqday wadamada Nordic in maalgeshi ay ku sameeyaan dalxiiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 09, 2019–Soomaaliya ayaa ugu baaqday wadamada Nordic in maalgeshi ay ku sameeyaan dalxiiska iyo kheyraadka dabiiciga.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalay Shirka 18aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic oo ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, socday maalmaha 7-8 November.

 

 

 

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic ayaa ah madal sanadeed si furan ay labada dhinac u doodaan.

 

Kulanka oo loogaga hadlay habka xoojinta nabadda, ammaanka, ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa waxaa ka qeybgalay 29 dowladood oo Afrikaan ah iyo wadamada Nordic sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay wadamada Nordic dano wadaag istiraatiijiyadeed oo ku qotanta dalxiiska iyo maalgeshiga, isagoo sheegay in Soomaaliya uu yahay dal dihan oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga, kaluumaysiga, dhul beereed bacrisan iyo xoolo , waxa uuna tilmaamay in ka faa’ideysiga kheyraadkaasi uu soo afjari karo shaqa-la’aanta iyo colaadda.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment