2295 Views

Soomaali si qarsoodi ah u gelineysay Sacuudiga maandooriyaha xashiiska oo la qabtay

Soomaali si qarsoodi ah u gelineysay Sacuudiga maandooriyaha xashiiska oo la qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 4, 2018 – Afhayeen u hadlay Ciiddanka dalkaasi ayaa maanta sheegay in 20 qof oo tahriibinaysay 641 Kg oo Xashiish bishii hore lagu qabtay Xuduudka Koonfureed ee dalkaasi.

Ilaaladda Xuduuka ee magaallooyinka Jizaan, Najraan iyo Casir ayaa la sheegay inay faashiliyeen isku-day lagu doonayey in Xashiish culayskiisu dhamaa 641 Kg. ama in ka badan  Kala-barka Hal Tan.

Eedeysanayaasha lagu qabtay Xashiishkaasi ayaa kala ahaa 9 Ethiopian, 9 Yemeniyiin iyo 2 Soomaali ah

Eedeysanayaasha iyo Xashiishkii waxaa loo gudbiyey Taliska Ciiddanka La-dagaalanka Daroogadda, si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.

Bishii Maarso ee sannadkan waxaa Sacuudiga lagu qabtay 22 Eedeysane oo tahriibinaysay in ka badan 400 Kg oo Xashiish iyo daroogada Herowiinka (Heroin).

Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxay Dil Qoor-goyn ah ku fuliyaan dadka lagu qabto waxyaabaha Mukhaadaraadka, mana kala cadda haddii 20-ka Eedeysane ee la qabtay lagu fulin doono Xukunkaasi.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment