726 Views

Ciidamada AMISOM oo diyaarinaya qorshe lagu sugayo Amniga Goobaha Doorashooyinka

Ciidamada AMISOM oo diyaarinaya  qorshe lagu sugayo Amniga Goobaha Doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Isniin: September 13, 2021

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa diyaariyay qorshe lagu sugayo ammaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashada Senatarada Aqalka Sare ee harsan & tan Golaha Shacabka BFS oo dhawaan lagu wado in ay bilaatabo.

Ururka Midowga Afrika oo bixiyay fasaxa Ciidamada ku howlgala AMISOM ayaa sheegay in askartooda ay diyaar u yihiin in ay dusha saartaan mas’uuliyadda nabadgalyada goobaha doorashooyinka ka dhacayaan iyaga oo la shaqeynaya Ciidanka Soomaaalida.

Xubno katirsan AU-da ayaa tilmaamay in kaalin weyn ay ka qaadanayaan qorshaha lagu xaqiijinayo dhameystirka Doorashooyinka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka oo tan Aqalka Sare la doortay inta badan.

AMISOM ayaa 24-kii July 2021 soo bandhigtay 23-sarkaal oo mas’uul uga ah arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya kuwaa oo laga soo dhex xulay Booliiska, waxa ay qaateen tababar ku filan halka ay aqoon kororsi siiyeen saraakiil Soomaali ah oo la shaqeynaysa.

Taliyaha Booliiska AMISOM Augustine Magnus Kailie oo la dardaarmay saraakiisha u qaabilsan ilaalinta goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Labada Gole ee BFS ay ku heshiiyeen Madaxda Soomaalida waxa uu ka codsaday in ay gutaan mas’uuliyadda saaran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post