852 Views

Musharax Daahir Geelle oo ku baaqay in ay sii socdaan wada-hadallada Rooble & Musharixiinta

Musharax Daahir Geelle oo ku baaqay in ay sii socdaan wada-hadallada Rooble & Musharixiinta
____________________________________________________________________________

uqdisho, 7da Maarso, 2021:Muaharax Madaxweynaha Soomaaliya kana mid ah Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku baaqay in la siiwado wada-hadallada Midowga Musharixiinta & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa uu si cad u sheegay muaharax Daahir Geelle in aan fagaaro lagu xalin karin, hayeeshee ay muhiim tahay in Miis lagu xaliyo si looga gudbo arrimaha murugsan ee taagan.

“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Midowga Musharixiinta & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan yeeshay kulamo kala duwan, walow kulankii ugu dambeeyay uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post