1665 Views

C/wali Gaas “ waa sharci daro muddo kordhinta loo sameeyey farmaajo iyo xildhibaanada baarlamaanka..

C/wali Gaas “ waa sharci daro muddo kordhinta loo sameeyey farmaajo iyo xildhibaanada baarlamaanka..
____________________________________________________________________________

April 15, 2021 

Maalmo kadib mudo kordhintii sharcidarada ahayd oo ay sameeyeen baarlamaanka Federaalka ah, waxaa sharci daradaas Qeylo dhaan ka muujiyay Beesha caalamka iyo Madaxdii somalida ee soo martay Dalka.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan go’aankii muddo kordhinta ee xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noday dalka ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay sharci darro tahay muddo kordhinta loo sameeyey hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aankan uu saameynayo dalka oo dhan iyo amniga Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sharci darro waa go’aan qaldan oo waqti qaldan kusoo aaday waayo baarlamaanka, isaga ayaaba waqtigiisa dhamaaday in uu soo saaro ma aheyn go’aan dalka saameynaya oo amniga saameynaya, wax la aqbali karana maahan,” siyaasiga Cabdiweli Gaas.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaanada Soomaaliya looga baahnaa inay qaataan doorkooda saxda ah, isagoo ku eedeeyey inay la safteen hal dhinac.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post