1062 Views

Gargaarka bani’aadannimo ee la gaarsiin lahaa Mariupol oo weli hakad ku jira

Gargaarka bani’aadannimo ee la gaarsiin lahaa Mariupol oo weli hakad ku jira
____________________________________________________________________________


Isniin: March 21, 2022

Dadaalo lagu doonayay in gargaar bini’aadannimo lagu gaarsiiyo dad lagu qiyaasay 300 oo kun oo qof oo ku go’doonsan magaalada la go’doomiyay ee Ukraine ee Mariupol ayaa weli hakad ku jira.

Laguma darin liis ay dowladda Ukraine sheegtay in ay isku waafaqeen ciidamada Ruushka, kaddib diidmadii Kyiv ee ahayd inay soo wareejiso magaalada iyadoo ku badalaneysa in dagaalyahannada hubka laga dhigay iyo rayidka ay si nabad ah u maraan.

Ukraine ayaa mar kale ku eedysay Ruushka in uu xannibay kolonyada gargaarka ee Mariupol, halkaas oo ka jirta xaalado aad looga naxo.

Mid ka mid ah dadka deggan magaalo-dekadeedka go’doonsan eeMariupol ayaa barta Facebook soo dhigtay xaaladaha ka jira magaalada.

Mar ay waddada dhex mareysay xilli ay hakadeen weerarrada bambaanooyinka, ayaa Nadezhda waxay sheegtay in dhismaha ay deggan tahay uu yahay kan keliya ee ka badbaaday gantaallada sida tooska ah loola beegsaday guryaha kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post