849 Views

Puntland iyo Galmudug oo ka shiray Amniga degmada Gaalkacyo

Puntland iyo Galmudug oo ka shiray Amniga degmada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 28 2020–Magaalada Gaalkacyo waxaa maantay kulan heer sare ah ku yeeshay laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen wasiirka Amniga Gudaha Galmudug iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

kulankaasoo ay qeyb ka ahaayeen senatarro iyo xildhibaano labada aqal ee barlamaanka federaalka ah iyo dhanka kale wasiiro iyo xildhibaanno Galmudug iyo Puntland ka kala socday.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga ee labada Dawlad Goboleed, xoojinta nabadda, xasiloonida magaalada Gaalkacyo iyo si wadajir ah la isaga kaashado ladagaalamo Al-Shabaab.

Kulanka ka dib ayaa waxaa shir jaraa’id wada qabtay labada Wasiir ee kala hogaaminaysay labada wafdi Md. Ahmed Macallin Fiqi wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug iyo mudane Maxamed Dhabancad wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo sheegay In labada dhinac ay si rasmi ah isugu waafaqeen In wadajir looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonada gobolka Mudug isla markaana lala dagaalamo Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment