978 Views

Isbitaalka degmada Bardaale oo xirmay & sababta oo la shaaciyey

Isbitaalka degmada Bardaale oo xirmay & sababta oo la shaaciyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa kusoo rogmaday daadad ka dhashay Roobkii deyrta oo ka da’ay deegaano katirsan gobolka Baay,waxaana uu saameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo adeegyadii degmadaas.

 

Badi dakii ku noolaa degmada Bardaale ayaa u barakacay duleedka degmadaas,waxaana sidoo kale xirmay oo ay biyo xireen Isbitaalka degmada Bardaale oo aan xilligaan Shaqeyn.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku tegay Bardaale ayaa sheegay in Isbitaalka Bardaale ay biyo buux dhaafiyeen,isla markaana xilligaan uusan Shaqeyn.

 

Gurmadyo kala duwan ayaa la gaarsiinayaa dadkii ka barakacay daadadka ka dhashay roobabka ee degmada Bardaale ee Gobolka Baay,kuwaas oo ku sugan duleedka degmadaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment